513 Views

WHO oo markale ka digtay xanuunka Covid-19.

WHO oo markale ka digtay xanuunka Covid-19.
____________________________________________________________________________


Arbaco: February 16, 2022

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa sheegtay inay jirto khatar ku saabsan faafitaanka xanuunka Covid-19, kadib markii waddamo badan ay si xad dhaafah u fureen xayiradii ka hortaga xanuunkan.

Agaasimaha Guud ee WHO, Tedros Ad-hanom, ayaa sheegay fiidnimadii xalay, in fursadda lagu xakameynayo cudurka faafa ay aad u sii yaraanayaan, iyadoo ay jirta khatar sii kordheysa oo ah in dunidu ay ku dhowdahay inay u caalwaayso xakameeynta xanuunkan.

Mr Tedros, ayaa Carrabka ku adkeeyay in inta badan Waddamada Caalamka ay wajahayaan khatar dhab ah oo ku saabsan xanuunka Covid-19, bartamaha sanadkan.

Digniintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Xafiiska Yurub ee Ururka Caafimaadka Adduunka uu ku baaqay in la xoojiyo dadaallada ku saabsan tallaalka ka hortagga xanuunkan, gaar ahaan waddamada dhaca Bariga Yurub.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post