156 Views

Wasiir Daa’uud Aweys” Marna ma aqbali doono gardarada qaawan ee Dowladda Itoobiya u bareertay,”

Wasiir Daa’uud Aweys” Marna ma aqbali doono gardarada qaawan ee Dowladda Itoobiya u bareertay,”
____________________________________________________________________________

Muqdisho —Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys ayaa khadka fogaan aragga ah kala qeyb galay Jaaliyadda Soomaaliyered ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka munaasabad looga soo horjeedo damaca gurracan ee Dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeybo ka mid ah Badda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa marka hore uga mahadceliyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota isku soo baxaan weyn ee ay kaga soo horjeedaan gardarada qaawan ee Itoobiya ay u bareertay, taas oo ay wax ugu dhimeyso qaranimada iyo madax bannaanida dhuleed ee dalkeenna.

” Waad mahadsan tihiin dhammaantiin, si weyn ayaa idin kaga mahadcelineynaa isku soo baxaan weyn oo aad maanta ku dhigaeysaan Minnesota, idinka oo ka soo horjeeda gardarada qaawan ee Dowladda Itoobiya ay ugu bareertay, waxaan idin cadeyneynaa in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay diidmadeeda qayixan ee damaca Itoobiya,islamarkaana marnaba la aqbali doonin in la haweysto taako ka mid ah dhulkeenna,” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta.

Sidoo kale, Wasiir Daa’uud Aweys oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Soomaaliya markasta ay u taagan tahay deris wanaag iyo iskaashi, balse marnaba aysan ogolaan doonin in lagu soo xadgudbo madax bannaanideeda dhuleed.

”Soomaaliya waxay mar walba u taagan tahay derisnimo wanaagsan iyo iskaashi laakiin marka ay dhacdo xadgudub noocaan oo kale ah marnaba ma yeeleyno, waxaan ilaalineynaa oo aan difaaceynaa qaranimada, wadajirka iyo madax bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,”.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa uga digay Dowladda Itoobiya in ay ka waantowdo falalka gurracan ay waddo oo wax u dhimaya nabadda gobolka iyo kan caalamka, isagoo dhanka kale, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, markale, uga mahadceliyay sida wadaniyadda leh ay u muujiyeen dareenkooda ku aaddan ilaalinta qaranimada Soomaaliyeed, waxaana idin rajeynayaa guul Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha guuleysato.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post