732 Views

Dhakhtar ku sugan xuduudda Suudaan iyo oo shegay in saaka uu arkay maydad hor leh

Dhakhtar ku sugan xuduudda Suudaan iyo oo shegay  in saaka uu arkay maydad hor leh
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 4, 2021

Dhakhtar ku sugan xuduudda Suudaan iyo Itoobiya gaar ahaan goobtii dhawaan laga helay meydadka ayaa sheegay in saaka uu arkay labo meyd hor leh oo ay dibadda keeneen biyaha webi mara halkaas.

Dr Tewodros Tefera wuxuu sheegay in 12 meydad ah uu ku arkay webiga Setit maalmihii lasoo dhaafay.

Dhawaan ayay aheyd markii goobtan lagu arkay tiro meydad ah.

Webiga Setit oo Itoobiya looga yaqaano Tekeze ayaa dhex maraa gobolka ay colaadaha ka taagan yihiin ee Tigray halkaas oo ay ku dagaallamayeen dagaalyahanada Tigray iyo ciidamada Itoobiya.

BBC waxay aragtay muuqaallo ku saabsan meydadka saaka laga soo saaray halkaas.

Colaadda Tigray: dagaalka oo cirka isku shareeray inkastoo xabad joojin lagu baaqay

Qalalaasaha Itoobiya; Walaaca isa soo taraya ee laga qabo midnimada iyadoo dagaalka Tigray uu ka sii darayo

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post