1128 Views

Howlgallo ka socda Awdheegle & qarax ka dhacay

Howlgallo ka socda Awdheegle & qarax ka dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 24, 2019 –Ciidamo katirsan Millateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay howlallo ka wadaan degmada Awdhegle ee Gobolka Shabeellaha hoose,halkaas oo qarax lagula eegtay Ciidamo katirsan Dowladda iyo kuwa AMISOM.

 

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro kala duwan,hayeeshee Al-Shabaab ay sheegteen inay ku dileen ku dhowaad 10 Askari.

 

 

 

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidaada saakay ilaa xalay ay degmada Awdheegle ka wadaan holwgallo baaritaano ah oo laga sameynayo Gudaha degmada iyo tuulooyinka hoostaga.

 

Dad ku sugan Degmada Awdheegle ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in duleedka degmada Awdheegle mararka qaar laga maqlayo rasaas ay ridayaan Ciidamada balse aysan jirin dagaal toos ah oo socda.

 

Saraakiisha Ciidamada Millateriga Soomaaliya dhankooda weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxa lala eegtay iyo howlgallada ay wadaan,waxaana wararkii ugu dambeeyey ee nasoo gaaraya ay sheegayaan in weli degmadaasi laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

 

Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinkii ugu dambeeyey ee Ciidamada Dowladda Shabaab kala wareegeen,waxaana jirtay in horay dadka uga barakaceen,hayeeshee maalmihii la soo dhaafay ay dib ugu soo laabanayeen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment