894 Views

Guddoomiyaha Mursal oo hambalyo ku aaddan sanad guuradii 51-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskii Ciidanka Asluubta u diray.

Guddoomiyaha  Mursal oo  hambalyo ku aaddan sanad guuradii 51-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskii Ciidanka Asluubta  u diray.
____________________________________________________________________________

February 22, 2021

 Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa hambalyo ku aaddan sanad guuradii 51-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed u diray sarreeyayaasha, saraakiisha,saraakiil xigeenadda,Alifleyda iyo dableyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ciidanka asluubta Soomaaliyeed ay door weyn ku leeyihiin amniga iyo xasilinta guud ahaan Dalka, isagoo guud ahaan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo hogaankooda u rajeeyay horumar.

Sidoo kale Wasiirka Caddaalada XFS Soomaaliya, Cabduqadir Maxamed Nuur  ayaa isna hambalyo ku saabsan sanad guurada 51 aad aas aaskooda u diray ciidanka asluubta Soomaaliyeed.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Maanta u dabaal degaya sanad guuradii 51-aad ee kasoo wareegatay Markii la aas-aaskay Ciidanka, waxaana Munaasabad loo dhigi lahaa loo baajiyay sababo la xiriira Cudurka halista ah COVID-19.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post