1455 Views

Wasaaraddo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo la sheegay in Korontada laga goostay

Wasaaraddo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo la sheegay in Korontada laga goostay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 13, 2018 —Wasaaraddo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay in korontada laga goostay, kaddib markii lagu yeeshay lacago.

Ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in illaa shan wasaaradood laga goostay korontada, iyagoo maalmo koronto la’aan ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in wasaaradaha aanay muddo afar bilood bixin lacagta korontada ee bilaha, waxaana wasaaradaha laga jartay korontada ka mid ahaa Wasaaradda Beeraha, Ganacsiga, xanaanada xoolaha, batroolka iyo gaadiidka, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Wasaaradaha laga jartay Korontada ayaa la sheegay inay heli waayeen lacagihii loogu tala galay adeegyada lagama maarmaanka u ah Wasaaradaha sida biyaha iyo Korontada oo qarash gaar wasaarad walba loo siin jiray inay ku dabirto arrimahaas.

Sidoo kale waxaa xubno ka tirsan shaqaalaha Wasaaradaha laga soo xigtay in koronto la’aan noqdeen, balse markii dambe dib loogu soo fasaxay korontada.

Xarumaha Wasaaradaha ayaa waxaa koronto siiya shirkado Koronto oo gaar loo leeyahay, kuwaasoo ku soo dalacda lacago bil walba isticmaalka korontada.

 

 

Xafiiska Wararka QW/Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment