351 Views

Itoobiya oo dooneysa in ay la wareegto garoonada diyaaradaha ee ku yaalla woqooyiga Tigray

Itoobiya oo dooneysa in ay la wareegto garoonada diyaaradaha ee ku yaalla woqooyiga Tigray
____________________________________________________________________________


Isniin: OCTOBER 17, 2022

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay la wareegi doonto gacan ku heynta garoomada diyaaradaha iyo goobaha muhiimkaah eek u yaalla obolka Wiqiiyiga ku yaalla ee Tigraay halkaas dagaalkii ay dowladdu ku jirtay mucaaradka Tigray uu sii xoogeystay.

Dowladda ayaa sheegtay in tallaabadan ay lagama maarmaan u tahay madaxbannaanida dadlka sida ay sheegtay.

War qoraal ah oo ay soo saaratay ayey dowladdu ku sheegtay in ay ku adkeysaneyso wadahadal nabadeed oo ay la gasho mucaaradka Tigray laakiin Tigraaygu kama aysan jawaabin baaqyada ku saabsan xabbaad joojin degdeg ah oo Midowga Afrika uu qabanqaabiyo

Ciidamada Itoobiya iyo isbaheysigooda Ereteriya ayaa wada weeraro circa iyo dhulka ah oo xooggan oo ka jira gobolka inkastoo gobolka ay cuntada iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah ay gabaabsi ku yihiiN.

Ciidamada Tigray ayaa sheegay Axaddii iyagoo ka jawaabaya baaq ka soo yeeray idowga Afrika in ay diyaar u yihiin in ay raacaan in si deg deg ah loo qaboojiyo xiisadda.

“Waxaan rumeysan nahay in ay jirto baahi ku saabsan in la gaaro wada hadal si loo xaaliyo dhiaatada jirto laana gaaro nabad waarta “ayaa lagu yiri war sxaafadeed.

Waxaa kale oo ay ku baaqeen in ciidamada Ereteriya lagu qasbo in ay ka baxaan gobolka Tigrayiyagoo sheegay in Ereteriya ay gaashaanbuur yihiin dowladda Itoobiya .

Dowladda Itoobiya ayaa ku baaqday dagaalka magaalooyinka in la joojiyo si loo suurtagaliyo in gargaar Bini’aadmino la soo gaarsiiyo ay dowladdu gacanta ku heyso

Si kasta oo ay tahayba caaalmka ayaa waxaa ka imanaya baaqyo ku aaddan in magaalooyinka sida Shire la duqeeyey laguna dilay dad shacab ah oo ay ku jiraan yaraaan mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post