705 Views

Uhuru Kenyata “ Waan ka adkaanay Argagixisada Alshabaab.

Uhuru Kenyata “ Waan ka adkaanay Argagixisada Alshabaab.
____________________________________________________________________________

Khamiis June 2, 2022

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata oo ka hadlayay dagaalka adag ay kula jirto dowladiisa ururka Al-shabaab iyo guulaha ay ka gaareen ayaa sheegay  in dowladda uu Madaxweynaha ka yahay  mudadii ay jirtay ay mudnaanta koowaad siiyay dhanka sugida Amniga iyo Gaashaandhigga si loogu guuleysto Amniga guud ee dalka.

Madaxeyne Uhuru Kenyata oo talada dalka Kenya qabtay sanadkii 2013-kii, ayaa sheegay inay dadaal dheeri ah oo xooggan ay galiyeen sugidda amniga xuduudaha wadanka, isagoo xusay in taasi ay keentay inay yaraadaan weeraradii kooxda Al-Shabaab ay ku qaadi jireen meelo kamid ah Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa yiri “Waxaan fahansanahay in haddii ay amni darro jirto aan la gaari karin horumar dhanka nolosha iyo ganacsiga ah, sidaas daraadeena aan dadaal badan bixinay kana adkaanay Kooxaha Argagaxisada ah”

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weeraro kala duwan ka fuliyeen degaano iyo degmooyin ay kujirto Magaalada Nairobi halka sidoo kale mararka qaarbay weeraraan Saldhigyada Ciidamada Kenya ee katirsan howlgalka ATMIS ku leeyihiin Gobolka Jubbada Hoose.

Ugu dambeyn, wuxuu tilmaamay in dhamaan si weyn loo qalabeeyay Ciidamada Ammaanka dalka kenya si ay uga falceliyaan caqabadaha iyo khatarrada soo foodsaara oo uu ugu horrreeyo dhagarta cadowga, isla markaana ay fursad u heleen in Kenya ay ka mid noqoto xubnaha golaha ammaanka ee qaramada Midoobay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post