1053 Views

Kenya oo War kasoo saartey Arrinta Janan & dalabkii Dowladda

Kenya oo War kasoo saartey Arrinta Janan & dalabkii Dowladda
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Dowladda Kenya ayaa jawaab waxaa ay ka bixisey dalabkii uga yimid dowladda Federaalka iyo Hay’adda Xaquuqul Aadanaha ee Amnesty international ee ku aadanaa in Dowladda Soomaaliya loo soo gacan geliyo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan).

 

Sida lagu daabacay Wargeys Daily Nation Cabdi Rashiid Janan ayaa waxaa uu degan yahay Hotel ku yaalla Magaalada Mandheera,isla markaana ay hayadaha Amniga Kenya ku ilaaliyaan 24-kii Saac ee la soo dhaafay isaga iyo Ciidamo uu wato lagu arkay Duleedka degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.

 

 

 

Sidoo kale Wargeysa waxaa uu sheegay in xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo markii hore xumaa uu sii xoogeysan karo sababo la xiriira arrinta Cabdi Rashiid Janan.

 

Wareyska oo soo xiganayey Xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau ayuu ku sheegay in Kenya aysan go’aamin karin in dowladda loo gacan geliyo Wasiir Janan.

 

Xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau sidoo kale waxaa uu sheegay in arrinta la xiriirta Cabdi Rashiid Janan ay go’aamin karaan kaliya Ciidamada Amniga iyagana lagala xiriiro.

 

Hadalkaan kasoo yeeray Xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli todobaadkii hore dowladda Soomaaliya ay Kenya iyo Booliska ENTERBOOL ka dalbatay in la soo gacan galiyo Wasiir Janan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment