729 Views

RW Rooble oo Muqdisho kusoo dhaweeyay M/weynaha Jabuuti & R/Wasaaraha Itoobiya

RW Rooble oo Muqdisho kusoo dhaweeyay M/weynaha Jabuuti & R/Wasaaraha Itoobiya
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 9, 2022

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa goordhow kasoo degay wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, isagoo ka mid ah wafuuda heerka caalami ah ee ka qeyb galeysa Munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin uu ku jiro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale, madax kale ayaa la filayaa inay soo gaareen magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu casuumay munaasabadda caleema saarka Madaxweyne Xasan Shiikh, iyadoo garoonka diyaaradaha ay ku sugan yihiin Masuuliyiin kala duwan oo u diyaarsan soodhaweynta wafuuda.

Geysta kale, Ra’iisul Waaaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray Muqdisho, si uu uga qeyb galo caleemosaarka madaxweyne Xasan Shiikh.

Hore RW Rooble ayaa soo dhaweeyay dhigiisa Dalka Masar Mustafa Madbuuli oo ka mid ah madaxda caalamka ee ka qeyb galeysa caleemosaarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post