285 Views

Dimuqraadiyiinta Mareykanka ayaa ku guuleystay aqlabiyadda aqalka Senetka kadib guushii Nevada

Dimuqraadiyiinta Mareykanka ayaa ku guuleystay aqlabiyadda aqalka Senetka kadib guushii Nevada
____________________________________________________________________________

Axad: NOVEMBER 13, 2022

Catherine Cortez Masto oo ah musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ayaa ka guulaysatay musharixii xisbiga Jamhuuriga Adam Laxalt tartankii senetka ee gobolka Nevada.

Guushu waxay siinaysaa xisbiga Madaxweyne Joe Biden inuu si hufan u maamulo aqalka sare ee loo yaqaan Seneteka.

Musharaxa looga adkaadey tartankii adkaa ee gobolka Nevada ee xisbiga Jamhuuriga Adam Laxalt, waxaa taageeray madaxweynihii hore ee Jamhuuriga Donald Trump .

Labada xisbi ayaa faro siman ahaa oo luqunta iskula jirey ka dib markii musharraxa dimuqraadiga ah ee Mark Kelly uu xejistey kursigiisa senate-ka ee Arizona, taas oo ka dhigtey 49/49.

Maxay ka dhigan tahay guusha Dimuqraadiga ee Nevada?

Guushu waxay ka dhigan tahay in Dimuqraadiyiintu ay 50 kursi ku leeyihiin Senetka, iyadoo madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris ay tahay qofta kala saareysa codadka barbardhac ah. Xisbiga Jamhuuriga ayaa hadda gacanta ku haya 49 kursi, iyadoo hal kursi oo kale loo tartamayo inta lagu guda jiro doorashada ku celiska ah ee gobolka Georgia oo la qorsheeyay 6-da December.

Xitaa haddii Jamhuuriyiintu ay ku guulaystaan ​​inay helaan ​​kursi dheeri ah oo Senate-ka ah oo yaala Georgia, codka Kamala Harris ayaa kala saaraya taas oo ka dhigeysa dimoqraadiyiinta 51 cod.

Faa’iidada ugu weyn ee ku jirta in dimoqraaridiyuiintu ku guuleystaan aqalka sare ayaa ah maamulka Biden wuxuu si fudud u samayn doonaa magacaabista golaha wasiirada iyo garsoorka.

Dimuqraadiyiinta ayaa hadda gacanta ku haya Aqalka Wakiilada iyo Guurtida. Haddii ay lumiyaan xukunka aqalka hoose, guurtidu waxay awood u yeelan doontaa inay diidaan sharci ka soo baxa Aqalka kongoroesska.

Hogaamiyaha Aqlabiyadda Senetka Chuck Schumer ayaa u dabaaldegay guusha waxaana uu bartiisa Twitter-ka ku daabacay “Dimuqraadiyiintu waxay mar kale yeelan doonaan aqlabiyadda Senate-ka!”

“Doorashadani waxay guul iyo caddayn u tahay Dimuqraadiyiinta, ajandayaasheenna iyo guulahayaga, iyo Maraykanka iyo dadka Maraykanka,” ayuu yiri.

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in uu “si wanaagsan ugu faraxsan yahay” natiijada doorashada, uuna hadda diiradda saarayo tartanka Georgia, ee bisha Diseembar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post