939 Views

in ka badan 600 oo arday oo laga afduubay iskuulo ku yaal woqooyiga galbeed Nigeria tan iyo bishii Diseembar

in ka badan 600 oo arday oo  laga afduubay iskuulo ku yaal woqooyiga galbeed Nigeria tan iyo bishii Diseembar
____________________________________________________________________________

1da Maarso, 2021

Tan iyo bishii Diseembar, in ka badan 600 oo arday ayaa laga afduubay iskuulo ku yaal woqooyiga galbeed Nigeria, taas oo abuurtay walaac hor leh oo ku saabsan dhibaatada afduubka ee dalkaas ka jirta.

Afduubkii Jimcihii loo geystay 317 arday oo ka tirsan Dugsiga Sare ee Gabdhaha ee Jangebe, oo ku yaala gobolka Zamfara, ayaa ahaa afduubkii labaad ee laga geysto dugsiyada muddo ka yar 10 maalmood, iyada oo 27 wiil iyo macallimiintooda oo laga kaxeystay iskuul ku yaal Kagara, gobolka Niger 17-kii Febraayo la siidaayay Sabtidii.

Maamulka ayaa sheegay in weeraradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday iskuullada waqooyi galbeed ay geysteen “burcad”, hubaysan iyo maleeshiyaadka kale ee hubeysan ee ka howlgala gobolka, kuwaas oo inta badan dhaqaalahoodu yahay lacag madax-furasho ah inay dadka weydiistaan.

Dad badan ayaa aaminsan in laamaha amniga, maamulada gobolladaas, booliska iyo millatariga ay xal u arkeen in la bixiyo lacagaha madax furashada ee ay kooxahan dalbanayaan taas oo laga yaaba inay sii dhiiragelinayso.

Burcadda hubeysan ayaa inta badan qafaasha ardayda yar yar ee Iskuulleyda ah, si ay madax furasho uga qaataan.

Kooxo hubeysan oo ka howlgala Zamfara ayaa inta badan afduub ka fuliya halkaas, si ay u helaan madax furasho, laakiin markii rag hubeysan ay in ka badan 300 oo wiilal ah ka kaxeysteen Kankara oo deris la ah gobolka Katsina bishii Diseembar ee sanadkii hore, ayaa wararka qaar waxa ay sheegeen in kooxda Boko Xaraam, oo ka howlgasha waqooyiga-bari ay ka dambeeyeen weerarka.

Sheegashooyinka ayaa markii dambe la isku khilaafay, iyadoo wadahadallo kadibna wiilashii la sii daayay.

Afduubayaal lagu abaal mariyey gawaari iyo lacag

Afduubka boqolaal arday halkii ay afduuban lahaayeen dadka safraya, waxay damaanad qaadeysaa shaacinta iyo ka qeyb qaadashada wadahadalada dowladda, taas oo ay ku heli karaan malaayiin doolar oo madax furasho ah.

Kemi Okenyodo oo ah khabiir dhanka amaanka ah ayaa aaminsan in afduubka uu faa’iido u leeyahay kooxaha dambiyada gala.

“Go’aanka ku saabsan bixinta madax furashada waa in dib loo eegaa. Maxay yihiin tillaabooyinka ugu wanaagsan ee la qaadi karo si looga hortago afduubka si aan uga fogaano bixinta madax furashada?” ayay weydiisay.

Madaxweyne Muhammad Buhari wuxuu sidoo kale sheegay in madaxda gobolada ay sii hurinayaan dhibaatada taagan.

Kooxo hubeysan oo ka howlgala Zamfara ayaa inta badan afduub ka fuliya halkaas, si ay u helaan madax furasho, laakiin markii rag hubeysan ay in ka badan 300 oo wiilal ah ka kaxeysteen Kankara oo deris la ah gobolka Katsina bishii Diseembar ee sanadkii hore, ayaa wararka qaar waxa ay sheegeen in kooxda Boko Xaram, oo ka howlgasha waqooyiga-bari ay ka dambeeyeen weerarka.

Ugu yaraan 42 qof oo ay ku jiraan 27 arday ah, kuwaasi oo laga afduubtay magaalada Kagara ee gobolka Niger, ayaa weli ku jira gacanta dadkii afduubtay.

Afduubka sanadkii 2014-kii magaalada Chibok ee waqooyi bari dalkaas Nigeria ay maleeshiyaadka Islaamiyiinta ah ee Boko Haram ku qafaasheen gabdho iskuulley ah oo gaaraya 276, ayaa soo jiitay indhaha caalamka, kaas oo ah aafo lagu bartilmaameedsanayo Iskuullada Nigeria, balse weeraradii ugu danbeeyay ayaa waxaa looga shakinsan yahay in ay ka danbeeyaan kooxo burcad oo danbiilayaal ah

Amniga dalka Nigeria ayaa sii xumaanayay sanadihii dambe, waxaa jiray afar afduub oo lala beegsaday arday intii uu Mr Buhari xilka hayay , Seddex ka mid ah ay ka dhaceen waqooyi galbeed taas ayaa cadaynaysa amni darrada ka jirta waddanka, halka ay beesha caalamku diiradda saarayaan Boko Xaraam oo boqolaal mayl u jira waqooyi bari.

In kasta oo militariga ay hadda wadaan hawlgal ka dhan ah burcadda, balse keymaha gobolka badankood waxaa gacanta ku haya burcadda.

Sidee loo sugayaa amniga iskuulada?

Waxaa la hirgeliyay mashruuc lagu badbaadinayo ardayda kaddib markii la afduubkii lagula kacay gabdhihii Chibok si loo xoojiyo amniga iskuulada ku yaal waqooyi bari Nigeria ayaa iskuulada gobolka oo dhan waxaa loo dhisay darbiyo dhaadheer.

In kasta oo afduubyadii ugu dambeeyay ay ka dhaceen woqooyi galbeed oo aanan ka mid ahayn Iskuullada mashruuca uu daboolayay, ayaa afduubkii 2018-kii ee 110 gabdhood oo iskuuley ah oo ka yimid Dapchi oo ku taal waqooyiga bari gobolka Yobe su’aalo ka keenay guusha dadaalka mashruucan.

Milatariga Nigeria waxay dhisteen fariisimo u dhow iskuulada qaar, balse tira badan oo iskuulada waqooyiga ku yaalla ayaan weli laga hirgelinin.

Iskuulada qaar waxay shaqaalaysiiyeen ilaalo hubaysan balse tani ayaa noqotay mid aan waxtar lahayn.

Sidee reer Nigeria uga falceliyeen?

Marka loo eego afduubkii gabdhaha Chibok ee bishii April 2014 ay kooxda Boko Haram ka afduubteen iskuul ku yaalla magaalada Chibok ee wuqooyi bari Nigeria oo soo jiitay indhaha caalamka ayaa afduubyadii xigay aanan wax falcelin ah oo aad weyn aysan ka dhalanin.

Dadka reer Nigeria ee isticmaala baraha bulshada ayaa si jees jees ah uga hadlay sida uu madaxweynaha u maareeyay dhibaatada afduubka iyaga oo adeegsanaya hal ku dhig ah #waakhasabinisbadellahelo .

Qoraalkan uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka sanadkii 2015-kii, markii uu yiri: “Sidee 219 gabdhood loogu la’yahay dalkeena, hogaamiyaheenuna u muuqdaa mid aan awood u laheyn waxqabad?

Ka bood Twitter boggan, 2

Sidee saameyn ugu yeelatay waxbarashada gobolka?

Maamulka gobolka Kano iyo Yobe ayaa amar ku bixiyay in ka badan 20 iskuul in la xiro dhamaadka isbuuca sababo la xiriira amni darada awgeed.

Iskuulada qaar ayaa sidoo kale dhawaan laga xiray gobolada Zamfara iyo Niger.

Gobollada Borno, Yobe iyo Adamawa, tobanaan iskuul ayaa xirnaa muddo sanado ah sababo la xiriira dagaalada Boko Xaraam.

Tani ayaa hoos u dhac weyn ku keentay natiijada guud ee imtaxaanadii la diwaangeliyay sannadihii la soo dhaafay, taas oo ay uga sii dartay xayiraadihii sanadkii hore lagu soo rogay ee Covid-19.

Sida laga soo xigtay Unicef, waxaa kaliya iskuulada taga 53% dugsiyada hoose ee waqooyiga Nigeria inkasta oo waxbarashada heerkaas ay tahay mid bilaash ah oo khasab ah. Heerarka gabdhaha ayaa xitaa ka hooseeya sababo la xiriira dhaqamada ka jira deegaanadaas.

Weerarada isdaba jooga ah ee lala beegsanayo iskuulada waqooyi galbeed waxay hoos u dhigayaan heer waxbarashada ee gobolka.

Burcaddan oo weydiisanaya lacago madax furasha ah, ayaa laga yaabaa inay fikrad ahaan ka duwan yihiin kooxaha sida Boko Haram ee ka howl gala waqooyi-bari, kuwaas oo ka soo horjeedda waxbarashada cilmaaniga ah, balse waxay saameyn ba’an ku yeelanaysaa waxbarashada waqooyiga Nigeria.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post