1110 Views

Jubbaland oo qaadacday Shirka Madasha Iskaashiga ee ka socda Muqdisho

Jubbaland oo qaadacday Shirka Madasha Iskaashiga ee ka socda Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 1, -2019 —Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay inay qaadaceen ka qeyb galka shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho,kaas oo ay ka qeyb-galayaan Wakiilo ka socda in ka badan 50 Dowladood oo taageera Soomaaliya iyo nadax ka tirsan dwoladda Federaalka.

 

Wasiirka Maaliyadda Jubbaland C/rashiid Jirre Qalinle oo Warbaahinta Maanta kula hadlayay Magalada Kismaayo ayaa sheegay in habka Maamulka Jubbaland shirkaasi loogu marti qaaday uu yahay mid qaldan,isla markaana aysan ka qeyb-galeen.

 

Waxaa uu sheegay in marka aysan jirin casuumaad rasmi ah oo loo soo diray Jubbaland,hayeeshee Baraha Bulshada kaliya ay ka arkeen casumaada Wasiirka Maaliyadda,hayeeshee ay aheyd in la casuumo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

 

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in shirarkii London sanadkii 2017 iyo kii ka dhacay Brussels sanadkii hore 2018 aan waxba hirgelin, isla markaana, iyada oo ay ka maqan yihiin Maamul Goboleedyada shirka hadda ka socda Muqdisho aan la ogaan wixii kasoo bixi kara.

 

Si kataba hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Maamliyadda Maamulka Jubbaland ee ku aadan inay qaadaceen Shirka Madasha Iskaashiga ee Muqdisho ka furmay ayaa kusoo aadaya xilli Puntland dhankeeda ay qaadacday Shirkaaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment