378 Views

Dowladda Japan oo dadka ku nool magaalada Tokyo iyo nawaaxigeeda ka codsatay in ay isticmaalaan koronto yar

Dowladda Japan oo  dadka ku nool magaalada Tokyo iyo nawaaxigeeda ka codsatay in ay isticmaalaan koronto yar
____________________________________________________________________________

Isniin: June 27, 2022

Dowladda Japan ayaa dadka ku nool magaalada Tokyo iyo nawaaxigeeda ka codsatay in ay isticmaalaan koronto yar maalinta Isniinta ah, maadaama ay ka digtay in ciriiri ay geli doonaan adeegyada korontada xilli dalkaasi uu wajahayo kulayl daran.

Wasaaradda dhaqaalaha, ganacsiga iyo warshadaha ayaa rajaynaysa in baahida korontada ay sare usii kaceyso.

Wasaaradda waxay ka codsatay in dadka inay damniyaan nalalka balse ay wali isticmaalaan qaboojiyaha si ay isaga ilaaliyaan kulaylka.

Muddo toddobaadyo ah, mas’uuliyiinta waxay ka digayeen gabaabsi dhanka adeegyadii korontada ah iyadoo heerkulka Japan uu sare u kacayo.

Heerkulka bartamaha Tokyo wuxuu kor u kacay 35C, halka magaalada Isasaki uu heerkulka gaaray 40.2C. Taasi waxay ahayd heerkulkii ugu sarreeyay ee abid laga diiwaan geliyo Japan gudaha bishan June.

Bishan June waxay astaan u tahay bilowga jiilaalka ee Japan, iyadoo heerkulka caadi ahaan ka hooseeyo 30C inta lagu jiro bishan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post