972 Views

Macron iyo Putin oo ka wada hadlay Xiisadda Ruushka iyo Ukraine

Macron iyo Putin oo ka wada hadlay Xiisadda Ruushka iyo Ukraine
____________________________________________________________________________

.

Talaado: February 8, 2022

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa magaalada Moscow ee wadanka Ruushka kula kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isaga oo la yeeshay wadahadalo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda ka taagan Ukraine.

Labada Madaxweyne ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in wada hadalkan uu wax badan ka tarayo xiisadda ka dhex taagan wadamada Ruushka iyo Ukraine.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee reer galbeed ah ee Moscow u taga sidii loo xaalin lahaa xiisadda ka dhex taagan Ruushka iyo Ukraine, taasi oo xulufada NATO ee uu hoggaamiyo Mareykanka si cad u garab is taageen Ukraine.

Macron ayaa sidoo kale Wuxuu booqan doonaa Kyiv si uu wadahadal ula yeesho madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post