270 Views

Waxaa si weyn loo hadal hayaa kharashiyaadka uu isticmaali jiray madaxweynihii hore ee dalka Brazil

Waxaa si weyn loo hadal hayaa kharashiyaadka uu isticmaali jiray madaxweynihii hore ee dalka Brazil
____________________________________________________________________________

 

Sabti: January 14 202

  Waxaa si weyn loo hadal hayaa kharashiyaadka uu isticmaali jiray madaxweynihii hore ee dalka Brazil, ka dib markii la soo badhigay ‘dhaqdhaqaaqyada iyo xisaabaadka’ lagu isticmaalay kaadhka dawladda ee madaxtooyada.

Xafiiska madaxweynaha cusub ee dalka Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa sii daayey maalintii jimcaha, kharashiyaadka sida gaarka ah loogu isticmaali jiray kaadhka gaarka ah ee madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsonaro.

Guud ahaan lacagta lagu isticmaalay kaadhka madaxweynaha hore ee dhowaan uun xilka ka degey muddadii afarta sano ahayd ee uu xilka hayey ayaa gaadhaysa in ka badan $5 milyan. Lacagtan ayaa loo isticmaalay hab aad loola yaabay. Kaadhkan ayaa la sheegay inay isticmaali jireen madaxweynaha hore iyo illaa 21 xubnood oo ka mid ahaa dadka ka agdhow.

In ka badan $21,000 ayaa lagaga cunteeyey makhaayad dhexdhexaad ah, taas oo $10,700 oo ka mid ah lagu isticmaalay roodhi, hal maalin gudaheed.

Madaxweynaha hore Bolsonaro ayaa marar kala duwan wuxuu ku dooday inaanu hal senti ka isticmaalin kaadhka dawladda.

Laakiin falanqaynta diiwaannada cusub ee ay furtay shabakadda wararka ee Uol waxay ogaatay in lacag ka badan $235,000 inuu Bolsonaro ku kharash gareeyey fasaxyadiisii 2019, 2020 iyo 2021.

Ku dhowaad $14,000 ayaa kaalin shidaal hal mar oo keliya shidaal lagaga isticmaalay, halka ku dhowaad $286,000 loo isticmaalay tamashlayn iyo in lagu dego hotelo qaali ah oo ku yaalla goobaha loo dalxiis tago ee Guaruja.

Sida laga soo xigtay mareegta GI, hotelka waxaa degey xubno la socday madaxweyne Bolsonaro, halka isagu uu degay xero ciidan.

Lacagaha cuntada loo isticmaalay ayaa ahaa kuwo aad loola yaabay.

Tusaale ahaan, makhaayad ku taalla gobolka Roraima ee dalka Brazil ayaa hal mar lagaga cunteeyey $21,000, taas oo ku filnaan karaysay inay cunto ku cunaan illaa 2,000 oo qof oo dalbada cuntooyinka qaaliga ah ee makhaayaddan. Cuntada makhaayaddan ayaa celcelis ahaan lagu iibiyaa illaa $10.

Kaadhka dawladda ayaa roodhida lagu dalbaday ay gaadhaysaa illaa $71,000, iyada oo laga dalbaday wershed roodhida samaysa oo ku taalla Rio De Janeiro.

Lacag ka badan $1,600 ayaa lagu kharash gareeyey dukaamada jalaatada iibiya.

Warbixintan waxaa qortay AFP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post