195 Views

Maxay Canada u yareynaysaa tirada ardayda ajnabiga ah ee imaanaya dalkaas

Maxay Canada u yareynaysaa tirada ardayda ajnabiga ah ee imaanaya dalkaas
____________________________________________________________________________

OTTAWA — Canada ayaa sheegtay inay xaddidayso tirada ardayda ajnabiga ah ee dalka soo galaya labada sano ee soo socda, ayadoo talaabadaas uga gol leh inay wx ka qabato arrimaha ka taagan guryaha iyo daryeelka caafimaadka.

Xadidaaddaas ayaa natiijadeedu waxay noqon kartaa in 35% ay hoos u dhacaan ruqsadaha ardayda ee la ansixinayo.

Sannadkii 2022 waxaa Canada joogay 800,000 oo ah arday ajnabi ah, halka toban sano ka hor ay tiradaas ahayd 214,000.

Maamulayaasha Canada waxay sheegeen in talaabooyinkaas sidoo kale looga gol-leeyahay in la xaqiijiyo in “hanaanka” la maroo uu dhamaystiran yahay.

Wasiirka socdaalka ee Canada Mark Miller ayaa ku dhawaaqay xayiraadahaas todobaadkan, wuxuuna sheegay in Canada ujeedadeedu tahay inay ansixiso ilaa 360,000 oo ah ruqsadaha ardayda waxbarashada jaamacadaha heerka koowaad ee sannadkan.

Gobollada iyo dhulalka ayaa loo qoondayn doonaa saamiyo lagu salaynayo tirada dadka iyo ardayada jaamacadaha galaysa. Gobollada ayaa markaa go’aan ka gaaraya sida ruqsadaha loogu qaybin doono jaamacadaha iyo kollejyada.

Xayiraadaha ayaa badankood khusaynaya ardayda samaynaysa diplomaha ama heerka koowaad ee jaamacadda, mana saamaynayo ardayda dalbanaysa in loo kordhiyo ruqsadda waxbarashada.

Wasiirka socdaalka Canada Mark Miller

Qayb ahaan isbeddelkaas oo bilaabanaya bisha Siteembar ee sannadkan ayaa xukuumadda Canada waxaa kaloo aysan bixin doonin ruqsadaha la siiyo ardayda jaamacadaha ka qalin jabisa ee ku shaqaysa hanaanka wada shaqaynta hay’adaha dawladda iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay, kaasoo aad ugu badan gobolka Ontario.

“Hay’adaha gaarka loo leeyahay qaarkood waxaay ka faa’iidaystaan ardaydda ajnabiga ah, waxayna ku maamulaan iskuullaada iyo kambasyada kheraad aan ku filnayn, ayagoo aan ardayda taageerin, waxayna ka qaadaan lacago aad u badan, ayagoo aad u badiya tirada ardayda, taasina ma aha mid la aqbali karo” ayuu yiri Miller.

Wuxuu sheegay in talaabooyinka cusub aysan ahayn kuwo bar-tilmaameedsanaya ardayada ajaanibta ah qaarkood, laakinse waxaa looga gol-leeyahay in lagu xaqiijiyo waxa ay ardaydu helayaan “Waxbarashada tayada sare leh ee ay soo dalbadeen”.

Xukuumadda Trudeau ayaa ku baaqday talaabooyinkan ayadoo cadaadis xoog leh uu ka haysto sidii ay wax uga qaban lahayd suuqyada guryaha ee aan la goyn karin.

Celceliska qiimaha guryaha ee Canada ayaa ah C$ 750,000 oo u dhigma US$ 550,000, kirada guryaha dalkaasna sare ayey u kaceen 22% labadii sano ee la soo dhaafay.

Dhaqaaleyahannada qaarkood ayaa qiimaha guryaha ee sarreeya waxay la xiriiriyeen sare u kaca dadka soo galootiga ah, ayagoo sheegaya in dhismaha guryaha uusan ahayn mid la jaanqaadaya tirada dadka Canada ee sida aan ku tala galka ahayn kor ugu sii socota.

Sannadkii 2022 tirada dadka Canada ayaa waxaa ku kordhay hal malyan oo qof markii ugu horreysay taariikhda, waxaana sida la sheegayo sare u kacaas qayb ka ahaa soo galootiga cusub. Sannadkii hore ayaa tirada dadka dalkaas ku nool waxay gaartay heerkii ugu sarreysay oo ah 40 Malyan.

Universities Canada oo ah hay’ad matasha hay’adaha tacliinta sare ayaa soo dhoweysay xayiraadaha, kuwaasoo aan saamayn ku yeelanayn ardayda dhamaysay heerka 1aad ee jaamacadda, laakinse waxay walaac ka qabtaa in “cadaadis uu ku keeno hanaanaka markii horeba giijisnaa”.

Hay’addaas waxay kaloo walaac ka muujisay in talaabooyinkaas ay ardayda ka weeciyaan inay u soo safraan Canada, ayna ka dhalan karto inay meelo kale waxbarasho u doontaan.”

“Hadaan weyno ardayda caalamka ma noqon doonno meel waxbarasho ku haboon” ayuu yiri David Farrar oo u warramayey warbaahinta CBC.

Wuxuu sheegay in xayiraadaha lagu soo rogay ardayda ajnabiga ah ay jaamacadaha uga dhigan tahay inay yareeyaan tirada ardayda gudaha ee ay qaadanayaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post