1419 Views

Maxaa Keenay In Mareykanka Uu Muwaadiniintiisa Uga Digo Inay U Safraan Somalia?

Maxaa Keenay In Mareykanka Uu Muwaadiniintiisa Uga Digo Inay U Safraan Somalia?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 27, 2018 –Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxay shalay soo saartay Digniin ku wajahan inaysan Muwaadiniintooda socdaal ku tegi karin 7 dal oo ku yaalla Bariga Afrika, kuwaasi oo kala ah Somalia, Sudan, Kenya, Uganda, Tanzania, South Sudan iyo Rwanda.

Websaytka Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka oo lagu soo daabacay Digniintaasi waxay Muwaadiniintooda uga digtay inaysan u socdaalin Somalia, oo ay ka dhacaan Dembiyo Colaadeed, sida Afduub iyo dilal oo caadi ka ah guud ahaan Somalia, oo ay ku jiraan Puntland, iyo Somaliland,

Digniinta waxaa kaloo lagu xusay inay Somalia aad ugu sii baahayaan Jid-gooyooyinka sharci-darradda ee yaalla Waddooyinka, waa sida ay Waaxda Arrimaha dibedda Maraykanka u cuskatay Digniintaasi.

Dhinaca kale, Digniinta Maraykanka ka soo saareen inay dadkooda u socdaalaan Somalia oo laga dhigay Heerka 4-aad ee ugu khatarsan Digniinta Socdaalka ayaa waxa lagu sheegay in Kooxo ay ugu yeertay Argagixiso ay weli wadaan Afduubka, qaraxyadda iyo weeraradda kale ee ka dhaca gudaha Somalia, isla markaana laga yaabo inay weeraro la beegsadaan digniin la’aan Garoomadda Diyaaradaha, Dekeddaha, Dhismayaasha Dowladda, Hoteelladda, Baararka, Deegaanadda laga dukaamaysto iyo goobaha ee dadka badan ku soo ururaan, khaas ahaan Reer Galbeedka sida Dowladda, Milliteriga iyo Kolonyada ay la socdaan dadka Reer Galbeedka.

 

Digniinta waxaa kaloo lagu xusay inay Burcad-badda ka hawl-galaan Biyaha ka baxsan Geeska Afrika, gaar ahaan Biyaha Calaamiga ee u dhow Somalia.

Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxaa ugu dambeyntii lagu xusay inay Dowladda Maraykanka xadiday Awoodda ay Adeeg Degdeg ah ku siin karaan Muwaadiniintooda ku sugan gudaha Somalia, sababo la xiriira yaraanshaha Joogitaanka  ee Qunsulliyadda Rasmiga ee ay Maraykanka ku leeyihiin gudaha Somalia.

Ugu dambeyntii, Muwaadiniinta Maraykanka waxaa lagu muujiyey in Hay’adda maamusha Duullimaadka Federalka Maraykanka ee FAA soo sartay  digniin khaas ee dhinaca Duullimaadyada, iyo khatarta dhinaca Duullimaadka Rayidka ee ka shaqeeya gudaha iyo dibedda Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Digiinta Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxay heerka Socdaalka ee Somalia ka dhigtay Darajadda 4-aad, wuxuuna heerkaasi la micno yahay in dalalka lagu qiimeeyo Heerkaasi inay yihiin kuwo xaalladooda Ammaanka tahay mid aad u khatar badan o oay cabsi dheeraad ah ka jiraan.

Xigasho: travel.state.gov

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment