345 Views

Hogaamiyihii Alshabaab ee Gobalka Hiiraan oo Ladilay

Hogaamiyihii Alshabaab ee Gobalka Hiiraan oo Ladilay
____________________________________________________________________________

arbaco: OCTOBER 12, 2022

Sida ay sheegtay Warbaahinta dowladda Somalia hogaamiyihii Al-shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay dagaalo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay degaanka Jicibow ee gobolka Hiiraan.

Rakhib Maxamed Xasan ayay warbaahinta dowladda shaacisay inuu hogaaminayey weerarkii Al-Shabaab ku soo qaadeen degaankaasi iyagoo qorshahoodu ahaa iney kala jaraan mar kale jidka isku xira Buulo Burde iyo baladweyne

“Horjoogihii Khawaarijta Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Hiiraan  dhagar-qabe Rakhib Mohamed Hassan iyo maleyshiyaad fara badan ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay howlgalkii maalmihii la soo dhaafay ciidamada xoogga dalka iyo xooggaga xoreynta deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Jicibow ee gobolka Hiiraan” ayaa lagu yiri warka ay baahisay warbaahinta DF.

Sidoo kale warbaahinta dowlada oo soo xiganaya saraakiisha milateriga ayaa intaas ku dartay in Rakhib Maxamed Xasan lala dilay 20 kale oo oo ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab.

Dagaalkii Jicibow ayey warar madax banaani sheegayaan in Al-shabaab lagu jebiyey, dagaalayahano badana halkaas looga laayey.

Ciidamada ATMIS ee ka socda dalka Jabuuti ayaa la soo sheegayaa iney ka qeyb qaateen dagaalka Jicibow ka dhacay kuwaasoo gantaalo ku garaacay goobo lagu tuhunsanaa iney ka gabaad ka dhigteen Al-shabaab.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post