2322 Views

Xildhibaan Fiqi banaanbaxayaasha London waa la laaluushay

Xildhibaan Fiqi banaanbaxayaasha London waa la laaluushay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Febaraayo 7, 2019  – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah XIldhibaanada mar waliba ka soo horjeesta mowqifkasta, qorshe walba iyo arin waliba ay soo bandhigto dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shirka London ee looga hadlayo arimaha kheyraadka batroolka Soomaaliya ku tilmaayay in dowladda Soomaaliya ay ka hirgelisay magaalada London qorshe lagu musuqmaasuqayo dadka raba inay ku bannaanbaxaan shirka Soomaaliya ee maanta ka dhacay London.

Xildhibaan Fiqi oo ka mida mucaaradka sida weyn uga horjeeda shirkaasi ayaa si weyn u taageeray bannaanbaxa ay qabanqaabiyeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool UK iyo dalalka Yurub si ay uga hor jeestaan shirkaasi, isagoo qeyb ka ahaa dadka abaabulka shirka wax ka waday.

“UK waa dal xor, oo dad Soomaaliyeed oo xor ay ku nool yihiin, kooxda Villa Somalia waxaa isaga qaldamay reer UK & barakacayaashii.. ha guulaysto banaanbaxa xaraashka Batroolka Somalia ka dhanka ah, ha guulaystaan wadaniyiintu…” ayuu yiri xildhibaan Fiqi oo farriin soo dhigay baraha bulshada.

Waxaa soo baxay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay London u diray xubno uu ka mid yahay nin lagu magacaabo Cali Yare oo olole u galay inuu joojiyo bannaanbaxa isagoo u maraya laaluush, waxayna arrintan qabsatay baraha bulshada.

Banaabaxa ayaa lasoo sheegay in gebi ahaanba la joojiyey waxaana qaar kamid ah dadkii banaanbaxa abaabulayey lagu daray ka qeybgalayaasha Shirka Lonodon ka dhacayo.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment