1239 Views

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo walaac ka muujiyey fashilka Shirkii Garoowe

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo walaac ka muujiyey fashilka Shirkii Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 13, 2019–Xildhibaanada ugu jira xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo hogaanka xisbiga oo kulamo ku yeeshay 09 & 12-May-2019 magaalada Muqdisho, ayaa waxay dood iyo falanqeyn adag ku sameeyeen nidaamka doorasho ee dalka, sharcigii doorashooyinka ee ay dhowaan ansixiyeen golaha wasiirada iyo aragtida uu ka qaadanayo xisbiga UPD.

 

Waxay si qoto dheer u falanqeeyeen qaabka doorasho ee uu dalku yeelan karo ayadoo laga fiirinayo maraxalada lagu jiro iyo daldalooda sharci ee ka muuqday sharcigii doorashooyinka ee ay dhowaan ansixiyeen golaha wasiirada.

 

Xildhibaanada iyo hogaanka xisbiga ayaa qabtay guddiyo shaqo oo dhowr ah kuwaas oo daraasad ku soo sameyn doona hindise sharciyeedka doorashooyinka, aragtida xisbiga ee doorashaooyinka dalka 2020/2021 iyo sida ugu wanaagsan ee xisbiyada dalka ka jira iskaashi uga sameyn karaan ku aadan nidaamka doorashooyinka, loogana qaadan karo mowqif midaysan.

 

Ugu dambeyn waxaa xildhibaanada iyo hogaanka xisbigu hoosta ka wada xariiqeen in dalku wajahayo daruuf siyaasadeed oo qalafsan wixii ka dambeeyey fashilkii shirkii Garoowe ku dhexmaray madaxda qaranka iyo kuwa dawlad goboleedyada dalka ka jira oo rajo badan lagu xirayey in heshiisyo siyaasadeed lagu gaaro shirkaas, taasina ay culeyskii jirey wax badan kusii dartay, loona baahan yahay in dhammaan dhinacyada siyaasadda ay la yimaadaan ajende looga gudbayo xaaladda siyaasadeed ee murugsan, si aysan carqalad ugu noqon horumarka iyo geeddi-socodka siyaasadda dalka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment