705 Views

Israa’iil oo xaalad deg deg ah gelisay magaalada kadib dibadbaxyo rabshado wata bilawdeen

Israa’iil oo xaalad deg deg ah gelisay magaalada  kadib dibadbaxyo rabshado wata  bilawdeen
____________________________________________________________________________

May 12 2021

Israa’iil ayaa xaalad deg deg ah gelisay magaalada bartamaha dhacda ee Lod kadib markii dibadbaxyo rabshado wata ay halkaas ka dhigeen dadka kasoo jeedo Carabta Israa’iil xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeyo ciidamada iyo dagaalyahanada Falastiiniyiinta.

Xilli ay rabshadaha ka socdeen magaalada Lod, waxaa dab la qabadsiiyay baabuur.

Waxaana halkaas ku dhintay aabe iyo gabadhiisa kadib markii baabuurkooda uu ku habsaday madfac.

Dagaalyahanada Falastiiniyiinta ayaa gantaallo ku garaacay gudaha Israa’iil halka Israa’iil ay duqeysay Qaza.

Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay dagaalkan ka socda halkaas.

Militeriga Israa’iil waxay sheegeen inay beegsanayaan dagaalyahano Falastiiniyiin ah oo ku sugan marinka Qaza Kadi gantaallada ay kusoo weerareen Israa’iil.

In ka badan 1,000 gantaal ayaa ku dhacay bartamaha iyo koonfurta Israa’iil kuwaas oo soo tureen dagaalyahanada Falastiiniyiinta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post