633 Views

Ayuub Ismaciil Yuusuf oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay Hop-215

Ayuub Ismaciil Yuusuf  oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay Hop-215
____________________________________________________________________________

Talaado: January 25, 2022

Ayuub Ismaciil Yuusuf ayaa ku Guuleytay Kursiga Tirsigiisu yahay Hop 215 isagoo ku soo baxay Codad gaaraya 94 Cod oo uu kaga guuleystay Murashaxii kula tartamayay kurisgaasi.

Kursiga Tirsigiisu yahay Hop-215 ayaa waxaa kuwadda tartamayey musharixiinta 1. Musharax xildhibaan mudane,  Ayuub Ismaaciil Yuusuf
2. Musharax Xildhibaan , Axmed Yuusuf Bakaal

Musharax xildhibaan Axmed Yuusuf Bakaal ayaa ka tanaasulay tartanka Doorashada, Waxaana musharax xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf loo qaaday Codka kalsoonida Ergada oo gacan taaga, waxa uuna helay 94 qof.

Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ayaa shegay in natiijada Hordhaca ah uu kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#215 Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf

Dorashada Maanta ka dhacay Dugsiga General Kaahiye ayaan laheeyn wax xamaasad ah mana jirin Cid xaqiijin karto saxnaasha Dorashadaasi Maadaama aysan jirin warbaahin madax banaan oo soo tebiso.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post