1320 Views

waxaa kordhay weerarada loo geysanayo wariyeyaasha iyo hay’adaha warbaahinta Bariga iyo Koofurta Africa

waxaa kordhay weerarada loo geysanayo wariyeyaasha iyo hay’adaha warbaahinta  Bariga iyo Koofurta Africa
____________________________________________________________________________

May 3-2021

Sanadkii la soo dhaafay waxaa kordhay weerarada loo geysanayo wariyeyaasha iyo hay’adaha warbaahinta ee guud ahaan Bariga iyo Koofurta Africa, iyadoo ay jireen xanuunka COVID19 iyo xasarado kale.

Sida ay maanta sheegtay Amnesty International waxay arrimahaas sare u qaadayeen baahida loo qabo warar sugan oo gobolka ka yimaada.

Guud ahaan gobolka shaqaalaha warbaahinta waxaa laga joojiyey shaqooyinkoodii, iyadoo xarumihii telefishinada qaarkood la joojiyey howlahoodii qaarna la xirey.

Warbaahinta gaarka loo leeyahay ayaa la bartilmaameedsadey, wariyayaasha qaarna waa la cabsi galiyey, taasoo xadgudub weyn ku ah xorriyada warbaahinta iyo galaangalka wararka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post