1263 Views

Duqa Muqdisho oo ka qayb galay Daah furka Siyaasadda Barakacayaasha

Duqa Muqdisho oo ka qayb galay Daah furka Siyaasadda Barakacayaasha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jannaayo 22, 2019 — Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in siyaasadda barakacayaashu ay diiradda saarayso hannaan dib loogu dajinayo barakacayaasha isla markaana lagu abuurayo nolol wanaagsan oo horumarka bulshada uga qeyb qaataan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay buugga Siyaasadda hagaysa barakacayaasha oo diyaariyey maamulka Gobolka Banaadir.

“Waxaan qorsheynaynaa sidii aan deegaameyn dhammeystiran ugu sameyn lahaa barakacayaasha, duruufta adag ee ay la noolyihiinna aan garab uga siin lahayn, taas oo u baahanna in aan dadaalladeena u mideyno, wax-qabad muuqdana aan ka muujinno.”

Eng.Yarisow ayaa ku bogaadiyey dadka barakacayaasha ah dhabar adeygga iyo dadaalka ay ku maareeyeen xalaadihii nolaleed ee soo maray, isagoona tilmaamay in mudnaanta la siiyey tallooyinkii iyo aragtida ay ku darsadeen siyaasadda xal u helista barakacayaasha ee maanta la soo bandhigay.

“Barakacayaasha ku nool gudaha Caasimadda waxay soo mareen duruufo adag, siyaasaddan aan dajinayna waxay diiradda saaraysaa sidii xal waara loogu heli lahaa, gaar ahaan arrimaha dib u dajinta barakacayaasha ku nool Muqdisho”.
Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale hadallo ka jeediyey Wasiirro ka tirsan XFS, Maamulka Gobolka Banaadir, Hay’adaha qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment