594 Views

Itoobiya oo Jabhadaha TPLF ee ka dagaallama dalkaas u aqoonsan rabto argagixiso

Itoobiya oo Jabhadaha TPLF ee ka dagaallama dalkaas u aqoonsan rabto argagixiso
____________________________________________________________________________

May 2-2021

Golaha wasiirrada Itoobiya ayaa soo jeediyey qaraar Jabhadaha TPLF iyo OLA loogu aqoonsanayo argagixiso, ciddi jabhadahaasi xiriir la yeelatana lagu qaadayo sharciga argagaixisada uu horay u meel mariyey baarlamaanka dalkaasi.

Qaraarka golaha wasiirrada ayaa ku soo beegmaya xilli uu dagaalka ka billaawday deegaanka Tigraay uu lix bilood jirsaday, qayba kala duwan ee dalka Itoobiya ka mid ahna ay ka dhacayaan isku dhacyo qowmiyado ku saleysan oo ay dad badan oo rayad ah ku dhinteen.

Raggan hubeysan ayaa shalay ugu yaraan 15 qof oo rayid ah dilay ka dib markii ay weerar ku qaadeen gaari Bas ah oo ay saarnaayeen gobolka Oromiya.

Booliiska ayaa waxay weerarkan ku eedeeyeen kooxda mucaaradka ee, Oromo Liberation Army (OLA).

Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo imika ka soo baxay jabhadda OLA, balse kooxdan ayaa horey u diiday eedeyma loo soo jeediyay oo aha in ay dad rayid ah dileen.

Kooxdan OLA ayaa ah garab hubeysan oo horey uga go’ay jabhadada Oramada ee (OLF), oo imika ah mid ka mid ah xisbiyada mucaaradka ee ugu wayn gobolka Oramiya.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post