444 Views

Madaxtooyada maamulka oo caawa casho sharaf u samaysay Madaxweyne Xasan Sheekh Garoowe

Madaxtooyada maamulka oo caawa casho sharaf u samaysay  Madaxweyne Xasan Sheekh Garoowe
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 27, 2022

Kulan casho sharaf ah ayaa caawa madaxtooyada maamulka Puntland loogu sameeyey wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii sedaxaas ku hoyanaya Garowe.

Qoraal ay soo saartay madaxtooyada Puntland ayaa lagu shaaciyey xafladaan casho sharafta ah, mana jirto faahfaahin kale oo Puntland ay ka bixisay wadahadalladii socday.

Qoraal Puntland ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan Casho Sharaf ah ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada, Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdiga la socda. Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFS Mudane Abshir Cumar Huruuse, Xubno ka mid ah Goleyaasha DFS, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan labada Madaxtooyo Puntland iyo Soomaaliya.”

Wararkii u dambeeyey ee maanta laga helay wadahadallada labada dhinac ayaa tilmaamayey in madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ka dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh inuu waxba kama jiraan kasoo qaado dhammaan xeerarkii ay horay u ansixisay dowladda hore ee madaxweyne Farmaajo, sida xeerka batroolka Soomaaliya.

Dhanacyadu weli ma shaacin wax is afgarad ah, waxaana laga war sugayaa gabagabada casho sharaftaan oo lagu wado in madaxdu ay warbaahinta la hadlaan oo shaaciyaan waxyaabihii ay isla meel dhigeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post