909 Views

Mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo loo xukumay Shabaabnimo

Mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo loo xukumay Shabaabnimo
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku ridey Agaasime ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir,hayeeshee lagu helay in uu horay ula Shaqeyn jiray Al-Shabaab.

 

Mas’uulkaan ayaa waxaa lagu Magacaabaa Nuur Cali Axmad (Mahad Alle),waxaana uu ahaa kusimaha Agaasimaha Shaqadda Gobalka Banaadir,waxaana Maxkamadda ay sheegtay in uusan soo marin Habka Is Diiwaan Galinta Dadka ka haray Fikirka Al-Shabaab,iyada oo lagu xukumay Saddex Sano oo Xabsi ah.

 

Sidoo kale Waxay Maxkamaddu sii daysay C/laahi C/raxmaan Maxamed oo ay Walaalo ahaayeen Basiiro oo la aaminsan yahay inay ahayd qofkii isku miidaamimay Xarunta Gobalka Banaadir, iyadoona la amray in Hay’adaha Ammaanku ay isha ku hayaan Dhaqdhaaqa C/laahi.

 

Laamaha Ammaanka Soomaaliya ayaa horay u sheegay in tiro dad ah loo xirey qarixii ka dhex dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu diley dad uu kamid ahaa Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow baaritaana ay ku socdaan walow aan weli la soo bandhigin.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment