1104 Views

Ciidanka DANAB oo sameeyay howlgal lagu qabtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka DANAB oo sameeyay howlgal lagu qabtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa Ciidanka Kumaandoosta Soomaliyeed ee DANAB waxaa ay ka sameeyeen Deegaanka Cali Boorow oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu qabtay Xubno ka tirsana Ururka Al-Shabaab una qaabilsanaa Ururinta lacagaha  lacaga qaado dadka ku nool degaanka Cali Boorow.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in weli howgallada ay ka socdaan degaanka Cali Boorow & degaannada kale ee ku dhow dhow si looga saaro Al-Shabaab oo mararka qaar degaannadaasi taga.

Majirin intii uu socday howlgalka dagaal dhex-maray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, balse la sheegay in Ciidamada sidoo kale ay guri Guri u baarayeen degaanka Cali Boorow oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose.

.Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa mararka qaar dagaal uu ku dhexmaraa Ciidamada dowladda & Al-Shabaab kadib markii Al-Shabaab ay weeraraan saldhigyada Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post