912 Views

Kulan u socda Xildhibaannada Golaha Shacabka

Kulan u socda Xildhibaannada Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 14 2020
—Kulanka guud ee xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaw ka furmay xarunta ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa.

Kulanka maanta waxaa shir guddoomiyanayay guddoomiyaha golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyadoo ay wehliyaan Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Cabdiwali Ibraahim sheekh Muudey iyo ku xigeenka 2-aad Mahad Cabdalle Cawad.

Ajandaha kulan ayaa kala ah ah akhrinta kowaad ee hinidse sharciyeedka dhowrista maalgashiga iyo maalgashadaha oo ay soo diyaarisay wasaaradda qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay akhrinta kowaad marsiinayaan hashiiska arrimaha udhaxeeya turkiya iyo soomaaliya.

kulanka guud ee golaha shacabka maanta waxaa soo xaadiray 141 xildhibaan kaasi oo ah kulanka 26-aad Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya .


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post