1437 Views

In Ka Badan 31 Kun Oo Arday Oo U Fariisaneysa Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare Ee Dalka

In Ka Badan 31 Kun Oo Arday Oo U Fariisaneysa Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare Ee Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 27, 2019–In ka badan 31 kun oo Arday soomaaliyeed ah ayaa maanta u fariisanaya Imtixaanka Guud ee Fasalka 12aad ee Dugsiyada sare oo ay qaadeyso Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dalka.

Imtixaankaan oo ah mid ku celis ah ayaa saakay si isku mid ah uga bilowday Caasimadda iyo Goboladda kale ee Dalka.

Magaalada Muqdisho waxaa aad loo adkeeyay amaanka goobaha Ardeydu Imtixaanaadka ku galeyso iyadoona sidoo kale loo diyaariyay Agab si deg deg ah uga jawaabi kara hadii Ardeyga Soomaaliyeed la soo gudboonaato Xaalad Caafimaad iyo wixii la mida.

 

Sidoo kale degmooyinka Goboladda dalka ee Ardeyda Soomaaliyeedu saaka Imtixaanka ku galeyso ayaa aad looga fakaray Xaaladaha Amaan iyo Caafimaad ee Ardeyda la soo gudboonaankara.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment