1407 Views

Wararka Dib u dhac ku yimid Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland

Wararka Dib u dhac ku yimid Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 23-2019 —Wararka naga gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in dib u dhac ku yimid Caleema saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

26-ka Bishaan ayaa lagu waday in Caleema saarka uu ka dhaco Magaalada Kismaayo waxaana wararku ay sheegayaan in Guddiga qaban qaabada ay ku dhawaaqeen in dib loo dhigay Xafladda oo laga dhigay horaanta Bisha soo socota.

Guddigga ayaan wali arintaasi si rasmi ah ugu dhawaaqin,waxaana la sheegay in maanta ay shir isugu yimaadeen Guddiga qaban qaabadda Xafladda.

Mid ka mid ah Xubnaha Guddiga oo ka gaabsaday in Magaciisa warbaahinta loo adeegsado ayaa Risaala u xaqiijiyay dib u dhaca.

Sababaha ugu weyn ee dib dhaca ayaa lagu sheegay in ay tahay xayiraada Saddex maalin ah ee dowladda Soomaaliya ay saartay Kismaayo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment