1077 Views

Madaxweynihii dalka Suudaan oo maanta maxkamad lasoo taagay

Madaxweynihii dalka Suudaan oo maanta maxkamad lasoo taagay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 19, 2019 —Madaxweynaha xukunka lagu tuuray ee dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir, oo dalka xukumay muddo 30 sano ah, ayaa maanta kasoo hormuuqday maxkamad ku taalla magaalada Khartoum, isaga oo wajahaya dacwado musuq-maasuq.

 

Al-Bashiir, oo 75 jir ah, ayaa si qasab ah xukunka looga tuuray 11-kii April, kadib bilo ay socdeen dibad-baxyo ka dhan ah taliskiisa.

 

Xafiiska dacwad oogaha ayaa ku war geliyey Al-Bashiir inuu wajahayo dacwado la xiriira “haysashada lacag qalaad, musuq-maasuq iyo haddiyado uu si sharci darro ah ku qaatay.”

 

Bishii April, hoggaamiyaha militariga ah ee hadda xukuma Sudan, General Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay in, in ka badan 113 milyan oo dollar oo ah kaash ka kooban saddex lacago qalaad ah, laga helay guriga Al-Bashiir.

Bishii May, dacwad oogaha guud ayaa sidoo kale sheegay in Al-Bashiir lagu soo oogay dacwado la xiriira dilka dad shacab ah, intii ay socdeen dibad-baxyada ka dhanka ah maamulkiisa, ee ugu dambeyn hoggaamiyey in xukunka lagu tuuro.

Dibad-baxyada ka dhanka ah Al-Bashiir ayaa billowday 19-kii December, kadib markii dowladdiisa ay saddex jibaartay qiimaha lagu iibsado rootiga.

Maxkamadeynta Al-Bashiir ayaa tijaabo u noqon doonta, sida ay mas’uuliyiinta Sudan daacad uga yihiin inay tiraan xusuusta 30-kii sanao ee xukunkiisa, oo ay maareeyeen rabshado baahsan, burbur dhaqaale iyo go’itaankii Koonfur Sudan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment