1152 Views

Wasiiradda Caafimaadka Uganda oo beeniyay in madaxweyne Museveni si qarsoodi ah looga tallaalay Covid-19

Wasiiradda Caafimaadka Uganda  oo beeniyay in madaxweyne Museveni si qarsoodi ah looga  tallaalay Covid-19
____________________________________________________________________________

Wasiiradda Caafimaadka ee dalka Uganda, Jane Aceng, ayaa beenisay warar sheegaya in xubno sare oo ka tirsan dowladda la siiyay tallaalka la dagaallanka Covid-19, ka hor inta uusan waddankaas si rasmi ah u helin tallaalka.

Ms Aceng ayaa ka jawaabeysay warka ku saabsan in si qarsoodi ah loo tallaallay madaxweyne Yoweri Museveni iyo madaxda ku hareereysan. Warkaas waxaa markii hore shaaciyay wargeyska kasoo baxa gudaha Uganda ee Daily Monitor iyo wargeyska Mareykanka laga leeyahay ee lagu magacaabo Wall Street Journal.

Qoraal iyo sawir Twitter-ka lasoo dhigay ayey wasaaraddu ku sheegtay “in madaxweynaha iyo xubnaha kale ee madaxtooyada midna aan la siinin wax tallaal ah”.

Uganda ayaa ilaa hadda soo tebisay 40,221 kiis oo fayraska corona ah.

Waddankan ayaa rajeynaya in uu macaawino ahaan u helo 100,000 oo ah tallaalka loo yaqaanno AstraZeneca, taasoo uu ka sugayo Hindiya. Sidoo kale 300,000 oo tallaalka Sinopharm ah ayey dowladda Uganda ka sugeysaa Shiinaha.

Lama xaqiijinin waqtiga uu tallaalka gaarayo Uganda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post