270 Views

Madaxweynaha Galmudug, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Talyaha Ciidanka oo gaaray deegaanno laga saaray Al-shabaab

Madaxweynaha Galmudug, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Talyaha Ciidanka oo gaaray deegaanno laga saaray Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 24, 2022

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Wasiirka Gaashaandhigga  Cabduqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidamada Xoogga Odowaa Yuusuf, Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa gaaray deegaanno dhawaan laga saaray Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta ayaa deegaanada ay gaareen waxaa kamid ah furimaha Sinadhaqo, Gusar, Dhaban-Dhulkuheys iyo Labidulle oo ay ku suganyihiin ciidamada dowladda.

Mas’uuliyiinta ayaa warbixin ka dhageystay Saraakiisha Hoggaamineysa howgalka, taasi oo ku aadan xaalada deegaanada ay ka socdana dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Masuuliyiintan ayaa Ciidanka ku boggaadiyay iyo in loo diyaar garoobo dagaal Al-shabaab looga xoreynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulka Galmudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post