711 Views

RW Rooble oo markale la kulmaya Midowga Musharixiinta

RW Rooble oo markale la kulmaya Midowga Musharixiinta
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 1da Maarso, 2021:Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo isniin ah in uu Magaalada Muqdisho kulan kula qaato markale Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.

Kulanka ayaa daba socda kulankii dhawaan uu la qaatay ee heshiiska ay ku wada gareen, Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya Midowga Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle, kaas oo lagu dejinayay xaalada Magalada Muqdisho.

Wararka la helay ayaa sheegaya in kulanka looga hadli doono kaalinta ay Midowga Musharixiinta ku yeelan  doonaan wada-hadallada al xiriira arrimaha doorashooyinka ee ku saabsan dhameystirka & dhaqangelinta heshiiskii 17-kii September.

Sidoo kale xogaha la helay ayaa sheegaya in kualn ak lagu sameyn doono laba Guddi oo labada dhinac ka kala socda, kuwaas oo kala ah gudiga xaqiiqo raadinta dhacdadii 19-kii Febaraayo iyo Guddiga qorsheynaya dibadbaxa ay ku dhawaaqeen Midowga Musharixiinta.

Kulankii ay dhawaan Muqdisho ku yeesheen  Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya ee Maxamed Xuseen Rooble & Midowga Musharixiinta ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay Beesha Caalamka iyo inta badan Shacabka Soom aaliyeed.

Beesha Caalamka oo dhowr jeer kulan la qaadatay  Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ay ka dalbadeen in uu qaato doorkiisa ku aadan wada-hadallada mucaaradka iyo hirgelinta doorashooyinka.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post