855 Views

Farmaajo iyo Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Sheekh Shariif Sheekh Muxuyidiin Celi

Farmaajo iyo Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Sheekh Shariif Sheekh Muxuyidiin Celi
____________________________________________________________________________


Talaado: March 22, 2022

Allah ha u naxariisto, waxaa magaalada Muqdisho xalay ku geeryooday Sheekh Shariif Sheekh Muxuyidiin Celi, kaas oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee muddo dheer ku howlanaa fidinta diinta Islaamka.

Geerida marxuumka, waxaa ka tacsiyeeyay masuuliyiin kale duwan oo xilal kasoo qabtay dalka iyo kuwa hada haya, kuwaas oo sheekha ku sifeeyay in uu ahaa Caalim Soomaaliyeed oo muddo dheer ku howlanaa fidinta diinta Islaamka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna qeyb ka noqday masuuliyiinta  ka tacsiyeeyay geerida ku timid  Allah ha u naxariister sheekh Shariif Sheekh Muxuyidiin Celi.

Madaxweynaha ayaa ugu tacsiyeeyay qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi, kaas oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Madaxweynaha ayaa lagu tilmaamay in Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin uu ahaa  caalim diineed iyo aqoonyahan sare oo ka mid ahaa macallimiintii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, isagoo madaxweyne Farmaajo xusay in door wanaagsanaa uu ka soo qaatay arrimaha dacwada Islaamka,  waxbaridda ubadka, faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Culimada Soomaaliyeed ee wakhtigooda iyo noloshoodaba u hibeeyey faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post