324 Views

Qarax ay ku dhinteen nabadoono caan ah oo ka dhacay degaan katirsan gobolka Hiiraan

Qarax ay ku dhinteen nabadoono caan ah  oo ka dhacay degaan katirsan gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Sabti: September 17, 2022


Qarax noociisu yahay Miinada dhulka lagu aaso ayaa lala beegsatay gaari ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu marayey degaan lagu magacaabo Aqaboy oo u dhow degaanka Bukh-aqable ee koonfurta gobolka Hiiraan oo hoos taga degmada Buulo-burde.

Sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen Maamulka gobolka Hiiraan 5 qof oo nabadoono u badan ayuu haleelay qaraxaas wadada la geliyey, waxaana goobta ku geeriyootay 4 qof, halka qofkii kale dhaawac looga qaaday.

Dadkaan u badnaa nabadoonada ayaa lagu kala magacaabi jiray:

1- Nabadoon Yuusuf Fiidow Faarax

2 – Wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow

2- Nabadoon Mukhtaar Xaaji

4- Iyo Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post