342 Views

Guddoomiyaha golaha shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale

Guddoomiyaha golaha shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale
____________________________________________________________________________

Axad: October 9, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, ehelada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allah u Naxriistee Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa dhammaan qoyska, ehelada iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale oo ku geeriyooday dalka Hindiya.”

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Marxuum Daahir Xasan Guutaale uu ahaa muwaadin xilliyo adag usoo shaqeeyay qaranka.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle uga baryay in uu janadiisa ka waraabiyo, ehelkiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed inuu samir iyo iimaanna ka siiyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post