1005 Views

Maamulka G/Shabeellaha Hoose oo ka hadlay weerarkii saakay

Maamulka G/Shabeellaha Hoose oo ka hadlay weerarkii saakay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 22-2019 —Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Adan Cali (Najax) ayaa saacado kadib waxaa uu ka hadlay weerar Xubno ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ay saakay waberigii hore ku qaadeen Saldhig Cidiamada Dowladda ku leeyihiin deegaanka Ceel-Saliini ee Gobolkaas.

Weerarkaas ayaa sida la sheegay waxaa uu ahaa mid ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabah qarxa,isla markaana ay Al-Shabaab la beegsadeen Saldhiga Ciidamada ee Ceel-Saliini,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo saacado ah socday.

Guddoomiye Najax ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isaga oo sheegay in uu guul u rajeynayo Ciidamada Dowladda ee la dagaalamay Al-Shabaab.

Waxaan bogaadinayaa geesiyaasha CXD ee iska difaacay kooxda khawaariijta alshabaab ee weerarka kusoo qaaday deegaanka ceelsaliini ee degmada Awdheegle,Guuleysta geesiyaasha dalkeenow ayuu yiri”Guddoomiye Najax.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay weerarkasi iska difaaceen,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen,hayeeshee Al-Shabaab ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen iany la wareegeen Gacanta ku heynta Saldhiga sidoo kalena ay askar badan ku dileen hubna ku qabsadeen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment