819 Views

Dab Maalintii labaad ka holcaya gobol ka mid ah Mareykanka

Dab Maalintii labaad ka holcaya gobol ka mid ah Mareykanka
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 08 2020
—Kumanaan dab-damiyeyaal ah ayaa u halgamaya inay xakameeyaan seddex dab oo waawayn oo ka kacay gobolka  California maalintii Isniinta aheyd.

Dabka ayaa si xoog badan ugu fidaaya  galbeedka Mareykanka ah, waxaana Kooxaha dabdamiska ay sheegayaan in ay wali la tacalayaan xilli lagu jiro kuleel daran gobolkaasi.

Waaxda dabdamiska ayaa sheegtay in 14,800 oo dab-demiyeyaal ah ay la dagaallamayaan 23 dabka waaweyn oo ka  kacay gobolka oo dhan, oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan Mareykanka.

Dabka Creek, oo ka billowday aagga Fresno ee bartamaha California jimcihii,saraakiisha dabka ayaa sheegay in kasta oo 850 dab-demiyeyaal ah ay goobta joogeen muddo saddex maalmood ah in xaaladdu tahay mid cakiran.

Dabka, oo ku sii kordhaya “xaaladaha cimilada daran,” wuxuu gubay ku dhowaad 79,000 oo hektar (32,000 hektar) oo dhul ah oo waliba ka sameysan keymo waa weyn.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post