375 Views

Ergeyga gaarka ah ee gurmadka abaahara oo kulan la qaatay (ATMIS)

Ergeyga gaarka ah ee gurmadka abaahara oo kulan la qaatay (ATMIS)
____________________________________________________________________________


khamiis: July 21, 2022

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la qaatay madaxda ugu sarreysa Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Afrika (ATMIS).

Shirka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Abaaraha dalka iyo kaalinta Midowga Afrika gaar ahaan ATMIS ay kaga qayb qaadan karaan Gurmadka Abaaraha.

Ergeyga ayaa uga mahadceliyay Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Afrika kaalintooda ku aaddan nabad ilaalinta iyo gacan siinta dhanka amniga ee howlaha gargaarka.

Ugu danbeyn, madaxda ugu sarreysa ATMIS oo iskugu jiray qaybahooda kala duwan ee nabad ilaalinta iyo gargaarka ayaa si wadajir ah ugu ballaan qaaday Ergeyga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha joogteynta iyo xoojinta howlaha Gurmadka Abaaraha ee dalka.

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post