753 Views

6 qof oo abaar darteed ugu dhintay mar kale gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

6 qof oo abaar darteed ugu dhintay mar kale  gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.
____________________________________________________________________________


khamiis: December 16, 2021

Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan 6 qof ay abaar darteed ugu dhinteen gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

Abaartani ayaa sidoo kale galaafatey duunyo farabadan  halkaasi kunooleyd, kuwaas oo dadkii lahaay ay u waayeen wax ay siiyaan.

Shacabka ayaa u qaxay deegaanada qaar oo ay ka da’een roobab yar, inkastoo la sheegay inaysan ku filnayn biyaha iyo baadka.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug, Cabduraxmaan Cali Diiriye (Isxal), ayaa ku nuux nuux sadey abaarta sanadkani dhacdey iney tahay mid waxyeello weyn u geysatey dad iyo duunyaba.

Wuxuu ugu baaqay Madaxda Dowladda Soomaaliya igo Maamulka Galmudug inay dadkaasi gurmad deg deg ah la soo gaaraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post