240 Views

Alshabaab oo Weerar Culus ku soo qaaday saakay deegaanka Nuur Dugle oo maalmo ka hor laga saaray

Alshabaab oo Weerar Culus ku soo qaaday saakay deegaanka Nuur Dugle oo maalmo ka hor laga saaray
____________________________________________________________________________

khamiis: December 1, 2022

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa sheegaya in haatan dagaal culus uu ka socdo deegaanka Nuur Dugle oo ka tirsan gobolkaasi, kadib markii ay weerar ku qaadeen Al-Shabaab.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaabkii weerarka ku qaaday deegaankaasi, kuwaas oo beegsaday saldhigyada ciidamada huwanta.

dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaaladdu ay kacsan tahay, islamarkaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyey, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac.

Nuur Dugle ayaa ka mid ah deegaanadii u dambeeyey ee lagala wareegay kooxda Al-Shababaab, waxaana maalmo kahor deegaankan booqasho ku tegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shabeelaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada uu ka socdo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga qabsaday kooxda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sheegaya in ujeedkooda uu yahay inay gaaraan illaa degmada Aadan Yabaal oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post