975 Views

Kulan looga hadlayay Amniga doorashooyinka oo lagu qabtay Jowhar

Kulan looga hadlayay Amniga doorashooyinka oo lagu qabtay Jowhar
____________________________________________________________________________

Moqdisho,September 1, 2021 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaas oo lagu qabtay Magaalada Jowhar.

Kulanka ayaa waxaa  ka qeybgalay Wasiirka Amniga Gudaha, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Hirshabeelle, Taliska Booliska, Saraakiisha Amisom ee Secter five, iyo Howlwadeenada Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa kulankan muhiimka ah ee Amniga warbixin guud uga dhageystay saraakiisha Hay’adda Amniga Hirshabeelle, iyada oo kulankaan looga hadlay Amaanka deegaanada Hirshabeelle, Sameynta Howlgalo qorsheysan, adkeynta Amniga musharixiinta, iyo xaqiijinta Nabadgalyada Magaalooyinka Jowhar iyo Beleddweyne oo ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Saraakiisha Hay’addaha Amniga ayaa madaxwaynaha la wadaagay howlgalo qorsheysan oo Hay’adaha Amaanka sameeyeen is looga shaqeeyo nabadgalyada Caasimada iyo Guud ahaan Magaalooyinka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn Saraakiisha Amniga faray inay laba laabaan howlaha shaqo ee loo igmaday adkeeyaana amniga guud.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post