996 Views

Ukraine oo sheegtay duqeymaha Ruushka iney isku dhiibeyn

Ukraine oo sheegtay duqeymaha Ruushka iney isku dhiibeyn
____________________________________________________________________________


Sabti: April 30, 2022

Barasaabka gobolka Luhansk ee ku yaalla bariga Ukraine ayaa sheegay inaan la iisu dhiibin duqeymaha Ruushka uu ka wado gobolkaasi, aysan u suurtagelin in ay jebiyaan goobaha difaaca ee Ukraine.

Serhiy Haidai ayaa sheegay in dadaallada lagu doonayo in dadka rayidka ah looga soo daad gureeyo aagagga iska-horimaadyada ay ka socdaan ee ku yaalla Luhansk ay sii socdaan.

Haidai wuxuu sheegay Magaalooyinka Lysychansk iyo Severodonetsk waxaa la soo saaray tiro dad ah oo la geeyey goob ammaan ah.

Labada gobol oo deriska ah Donetsk iyo Kharkiv ayaa sidoo kale diiradda saaraya duullaanka ka soo cusboonaaday Ruushka ee bariga, waxaana jira dagaallo meelo kale ka dhacay oo ay ka mid yihiin dagaalka ka socda galbeed ee gobolka Zaporizhzhia.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post