1722 Views

Kulamo Asmara uga socda madaxda Soomaaliya iyo Ereteriya

Kulamo Asmara uga socda madaxda Soomaaliya iyo Ereteriya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 28, 2018 –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalintii Labaad booqasho ku joogga magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya.

Magaalada Asmara ayaa xalay waxaa ka dhacay kulamo kala duwan oo looga hadlaayay Xaaladda Geeska Afrika, waxaana wafdiga Madaxweynaha ay kulamo gaar gaar ah la qaateen Madaxda dalkaasi.

Kulankii shalay dhexmaray Farmaajo iyo Isaias Afwerki waxaa uu ahaa mid ku qotoma dib u soo nooleynta xiriirka labada dal, xasilloonida gobolka iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo nabadgelyada.

Labada Madaxweyne iyo diblumaasiyiinta labada dal oo kulan is-xogwareysi ah ku qaatay Madaxtooyada dalkaas ayaa si qotadheer uga wadahadlay xaaladda gobolka, mustaqbalka xiriirka Soomaaliya iyo Ereteriya iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku saleysan danaha wadajirka ah ee labada dal iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Madaxweyne Farmaajo waxaa maanta lagu waddaa in uu booqdo xarumo taariikhi ah oo ku yaalla dalka Ereteriya.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment