879 Views

Madaxweyne Farmaajo” Waan jeclaan lahaa in Ciidamada Mareykanka sii joogaan Soomaaliya”

Madaxweyne Farmaajo” Waan jeclaan lahaa in Ciidamada Mareykanka sii joogaan Soomaaliya”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 14 |  2020—Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in Ciidamada Mareykanka ay sii joogaan Soomaaliya, kadib hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Trump ee ahaa in Ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya.

Shabakadda ka faaloota Arrimaha Ganacsiga ee bloomberg.com ayaa daabacday in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u sheegay in uu jeclaan lahaa inay sii joogaan ciidamada Mareykanka, isagoo intaa ku daray inuu rumeysan yahay in dalkiisa oo kaashanaya Mareykanka uu qarka u saaran yahay inuu ka adkaado dagaalyahannada Al-Shabaab.

“Runtii waan ku qanacsanahay taageerada Mareykanka, waana ku faraxsanahay waxa Mareykanka uu qabtay, waxaana jeclaan lahaa inaan aragno ciidamada oo sii joogaya illaa iyo inta ay howsha ka dhaceyso 100%,” ayuu yiri Madaxweyne farmaajo  oo khadka taleefanka kula hadlay isagoo jooga Muqdisho.

Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa fuliya howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab haba ugu badnaadaan duqeymo dhinaca cirka ah  iyo tababaro ay siiyaan Ciidamada Dowladda  Soomaaliya.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post