1437 Views

SAWIRO:-Howlgal dad lagu qabqabtay oo laga sameeyay Boosaaso

SAWIRO:-Howlgal dad lagu qabqabtay oo laga sameeyay Boosaaso
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 30-2019 —Ciidamada Booliska  Maamulka Puntland  ayaa howlgal lagu xaqiijinayay amniga waxaa ay xalay ka sameeyeen Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyaga oo howlgalkaas lagu soo qabqabtay dad farabadan.

 

Howlgalka ayaa ahaa mid lagu  baarayay gadiidka iyo dadwaynaha qaybahooda kala duwan waxay sidoo kale Ciidaamadu ay Gaadiidka ka fiiqayeen bacaha Madow ee gadiidka ku xiran ee bensolka loo yaqaaano,waxaana guud ahaan laga sameeyay Xaafadaha Magalada Boosaaso.

 

Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari  Xuseen Cali Maxamed  ayaa sheegay in howlgalka ay sidoo kale kula dagaalamayeen Dhalinyarao xilliyada habeenkii dadka ka dhaca mobeelada,kuwaas oo cabashadooda ay kazoo gaartay Shacabka Magalada Boosaaso.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka lagu soo qabqabtay labaatameeyo dad ah,kuwaas oo u badan dhalinyaro,isla markaana baaritaano lagu sameyn doono cidii dambi lagu waayana la siidaeyn doono.

 

Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay kamid tahay deegaannada ugu amniga Xun Magaalooyinka Puntland,waxaana mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo lala eegto mas’uuliyiin ka tirsan Puntland,waxana weeraradaas mas’uuliyadooda sheegta Al-Shabaab.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment