684 Views

Ra’iisul wasaaraha Afghanistan Mullah oo ugu baaqay saraakiisha dowladdii Ashraf Ghani dalka ku soo laabtaan..

Ra’iisul wasaaraha Afghanistan  Mullah oo ugu  baaqay saraakiisha dowladdii Ashraf Ghani dalka ku soo laabtaan..
____________________________________________________________________________

khamiis: September 9, 2021

Sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG Taliban, Mullah Maxamed Xasan Akhuunad ayaa sheegay in dhammaan saraakiisha dowladdii Ashraf Ghani ee dalka isaga baxay ay ku soo laaban karaan Afghanistan isagoo balan qaaday amnigooda.

Hadalkan ayuu sheegay ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG xilli uu wareysi siiyay idaacadda la iska arko ee Aljazeera Arbacadii shalay.

Waxaa uu intaas ku daray, in ammaanka safaaradaha, diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha gargaarka ay sugi doonaanto Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan oo Taliban maamusho.

Akhuunad oo ahaa la taliyihii dhanka siyaasadda Mullah Cumar oo ahaa aas aasaha Taliban ayaa xusay in hogaanka xukuumadda cusub ee Afghanistan ay saaran tahay mas’uuliyad weyn.

Sidoo kale, Mullah Maxamed Xasan Akhuunad, waxaa uu sheegay in ay doonayaan in xiriir wanaagsan la yeeshaan dalalka gobolka iyo guud ahaan caalamka.

“Waxaa na soo gaaray khasaare nafeed iyo mid hanti taariikha guud ahaan Aghanistan,” Akhund ayaa intaas ku daray. “ Dhiig daadin, dil iyo in la quursado dadka reer Afgahnistan way dhaatay, arrintas darteed waan u soo dagaalannay.”

Akhund ayaa mar kale, ku celiyay cafiskii loo fidiyay dadkii la soo shaqeeyay ciidanka Mareykanka iyo maamulkii ku taageerey duulankii Afghanistan 2001.

“Qof dhihi karta waa la iga aargoostay ma jiri doonto … anaga qofna uma dhibaateynayno in maamulkii hore la soo shaqeeyay darteed,” ayuu yiri.

Hadalka sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG Afghanistan ayaa yimid maalin ka dib markuu Taliban ku dhawaaqeen xukuumadda 33 wasiir ka kooban oo 14 kamid ah yihiin rag ka tirsanaa maamulkii Taliban ee 20 sano ka hor ka jirey Afghanistan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post